Wasaaradda Qorsheynta oo waqti u qabatay Hay’adaha ku shaqeeya Nairobi

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Qorsheynta Somaliya, C/Qaadir Aadan Maxamed, ayaa ka hadlay halka ay mareyso qorshaha dalka loogu soo guurinayo Hay’adaha Xafiisyada ku leh Nairobi, kuwaasoo ka shaqeeya gudaha Somaliya.

Xoghayaha, waxa uu sheegay in qorshahan uu haatan marayo meel wanaagsan, Kaasoo soo maray heerar kala duwan, waxaana uu soo bilwoday Bishii Jnauary, 11-Keeda ee Sanadan, markaas oo uu shir ka dhacayay Muqdisho ka sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in Hay’adaha soo guuraan.

C/Qaadir Aadan Maxamed, ayaa tilmaamay in Hay’adaha la rabo iney soo guuraan ay yihiin kuwa aan dowlaiga eheyn, xuriyadna ay u heystaan iney Muqdihso ka dagaan meesha ay ka doonaan

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Qorsheynta Somaliya, C/Qaadir Aadan Maxamed, ayaa soo hadal qaaday doodaha qaar ee la xiriirta in amniga Muqdisho aan la isku haleyn karin, taasna ay hay’adaha ku qasbeyso iney Nairobi ku shaqeeyaan, waxa uu arintan uga jawaabay in hay’adaha la doonayo iney soo guuraan ay xaruo ku leeyihiin wadamada Ciraaq Afghanistan, Syria iyo Liibiya oo sida uu sheegay amni ahaan ka liita Somaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in Hay’adaha laga doonayo in kama dambeys ay dhamaadka Bisha soo socota ee December u soo guuraan Soomaaliya.

Hay’addii ku soo guuri weysa wixii ka dambeeya 31ka December,waxaa uu sheegay in ay kala laabanayaan Diiwaangelinta iyo Miisaaniyadaha ay ku soo qaaddo Magaca Soomaaliya.

Hay’ada UNICEF, oo kamid ah hay’adaha fariinta ah dalka u soo gaara gaartay, ayaa Xafiiskeeda ka furatay Muqdihso, lamana oga sida hay’adaha kale u qaadan karaan Go’aanka Wasaarada Qorsheynta Somaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago