GUDAHA/wararka

Wararkii u dambeeyay bannaanbaxyada ka socda magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa subaxnimadii saaka lagu soo toosay jidadka waawayn ee magaalada oo xiran iyo ciidamo booliis ah oo wadooyinka tuban.

Magaalada ayaa lagaliyay xaalad xirxirnaan ah iyadoo inta badan dadku aysan shaqooyinkooda aadin halka qaar kalena ay ku khasbanadeen inay lugeeyaan masaafooyin dheer-dheer.

Inta badan  xafiisyada dowladda oo ay ku jiraan maxkamadaha  ayaa xiran sababo la xiriira khataro amni oo laga cabsi qabo.

Qaar kamid ah saldhigyada  booliiska ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax adeeg ah bixin doonin si looga hortago weeraro lagu qaado saldhigyadan.

Maanta ayaa ku aadan Maalinta Saba Saba oo lagu xasuusto inay ahayd maalin ay ka dhaceen bannaanbaxyo guud ahaan dalka Kenya 7-dii Luulyo, 1990, halkaas oo dad badan ay waddooyinka isugu soo baxeen iyagoo dalbanaya doorasho xor ah iyo oggolaanshaha dimuqraadiyadda.

Sanad walba, 7-da Luulyo, waxaa la qabtaa bannaanbaxyo nabadeed oo lagu xusayo maalintii taariikhiga ee Saba Saba.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago