Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey oo soo gaaray Muqdisho,Sawirro

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayson ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wakiilka cusub ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay markii uu soo gaaray Muqdisho,waxaa uu yiri ‘sharaf iyo farxad ayey ii tahay soo dhaweyntiinna Muqdisho’.

Markii uu soo gaaray Muqdisho waxaa uu salaan ka qaatay Ciidanka AMISOM ee jooga Muqdisho,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay madax ka tirsan AMISOM.

Mr Nicholas, ayaa beddelay wakiilkii hore ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Kaeting,kaas oo Magaalada Newyork dhawaan xilka kula wareejiyay mr Nicholas.

Keating ayaa u dhashay Dalka UK,halka Mr Nicholas uu ka soo jeedo Dalka Koofur Afrika,waxaa uu xilkan ka hor ahaa danjiraha Qaramada Midoobey ee Suudaan iyo Koofurta Suudaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago