Magaalada Muqisho waxaa maanta soo gaaray Wafdi ka socda Guddiga Amniga ee Ururka Midowga Afrika.
Wafddigan oo ka kooban 27 xubnood waxaa hoggaaminayay Maxamed Idiriis oo ah Danjiraha Jabuuti ee Itoobiya iyo Midowga Afrika.
Wafddigan waxaa ay la socdeen Diyaarad ay leedahay Dowladda Itoobiya,kuwaas oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/Qaadir Axmed Kheyr iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.
Wafdigan ayaa kulamo kula qaadanaya Magaalada Muqdisho madaxda dowladda Federaalka ah, Saraakiisha Qaramada Midoobey, waxaa ay sidoo kale booqanayaan Dowlad Goboleedyada iyaga oo la kulmaya madaxda Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…