GUDAHA/wararka

Wafdi ka socda DFS oo u safray dalka Masar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, ayaa maanta u safray dalka Masar.

Wafdigaan ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Masar kala hadlaan xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan taageera dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Masar ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya u soo diraan ciidanka ka qeyb qaata dagaalka AS gaar ahaan sugida amniga deegaannada la xorreeyay.

Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay in la xoojiyo amniga gobolka, gaar ahaan difaaca Badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo muhiim u ah ganacsiga dunida.

Ciidamadaasi Masaarida ayaa qeyb ka noqon Howlgalka Xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM ee ay qeybta ka yihiin dalalka Afrika.

Howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya dhaqaale la’aan baahsan, maadaama dalalkii taageeri jiray ay hoos u dhigeen deeqaha ay ku bixin jireen arrimaha Soomaaliya.

 Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago