Madaxweynaha Dowladda Eritrea, Isaias Afwerki ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay madaxda sare ee dalka Suudaan, iyagoo ka wada hadlay xal u helida colaadda ka taagan dalkaasi.
Madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Sudan, Jeneral Abdel Fattah Al-Burhan, Ra’iisul Wasaaraha Sudan, Dr. Kamal Idris iyo mas’uuliyiin kale.
Kulamadaan ayaa looga hadlay colaadda ka taagan dalka Suudaan iyo sidii looga hortagi lahaa inuu dagaalka saameeyo dadka rayidka ah.
Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa ku celiyay mowqifka adag ee Eritrea ee ah taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Sudan, waxaana uu sheegay in dalkiisu uu garab taagnaan doono Sudan ilaa laga gaaro nabad waarta.
Dhankiisa, Jeneral Al-Burhan ayaa uga mahadceliyay Eritrea taageerada ay siineyso, isagoo ballanqaaday inuu sii xoojin doono iskaashiga labada dal.
Dalka Suudaan ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka Militeriga iyo xoogaga RSF ee lagu tuhmo inuu taageero Imaaradka Carabta.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…