Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, u magacaabay Lataliyahiisa dhinaca Amniga, ka dib markii uu iscasilay Xuseen Macallin oo xilkaan hayay tan iyo May 2022.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay In Danjire Aweys noqon doono Lataliyaha Amniga qaranka, loona tixagaliyay waayo arragnimadiisa shaqo.
Wuxuu soo maamulay Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka (2012–2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.
Sidoo kale, wuxuu soo Hoggaamiyay wadahadallada heer-sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.
Sanadihii u dhaxeeyay 2023 ilaa 2025 ayuu soo noqday, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo door ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.
Madaxweynaha ayaa Lataliye Aweys ka rajeeyey in uu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah AS.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…