GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM oo ka wada hadlay dagaalka AS

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta, iyada oo lagu lafa-guray kaalinta Midowga Afrika ka qaato taageerada nabadgelyada iyo dagaalka AS.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan sugidda amniga, gaar ahaan howlgalka AUSSOM, isagoo ku boorriyay in la laba-jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka.

Danjire El Hadji Ibraahima Diene, ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Wasiirka soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay sii wadidda taageeridda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago