Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo deegaanka Suuftu oo ku yaalla xadka Itoobiya iyo Kenya uga socda Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha ciidanka Itoobiya.
Sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaw kulamada waxaa goobjoog ah Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, Maamulka Degmada Doolow iyo Saraakiisha ciidanka Itoobiya.
Kulamada ayaa waxaa looga hadlaya dhaqdhaaqyada ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadaan gobolka Gedo ee lagu xaqiijinayo Amniga guud.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa wada abaabul ciidan oo mar kale ay dib ugu laabanayaan magaalada Beledxaawo oo toddobaad ka hor dagaal looga saaray, isla markaasna ay hadda ka taliyaan ciidanka Dowladda Federaalka.
Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir ayaa hore u sheegay in ciidanka Itoobiya ku hanjabeen in ay soo weerari doonaan magaalada Beledxaawo, tillaabadaasina aaan la aqbali doonin.
Ciidanka Itoobiya ayaa hadda ku sugan magaalada Doolow iyo deegaannada xuduudka ku yaalla, waxaana ay taageeraan askarta Jubbaland oo ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…