GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka Gedo

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Ciidamada Federaalka ay ka howlgalayaan gobolka Gedo, si ay u soo celiyaan ammaanka iyo kala dambeynta gobolkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa waxaa lagu sheegay in ay jiraan shaqsiyaad colaad iyo fowdo ka wada gobolka Gedo, kuwaasi oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u xustay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan oo la sheegay in ay ku lug leeyihiin falal amniga lid ku ah.

“Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa si buuxda ugu sugan yihiin gobolka, halkaasoo ay ka wadaan howlgallo ay kaga hortagayaan khataraha amniga, iyadoo ay gacan ka helayaan shacabka deegaanka, tallaabo ayaa laga qaadi doona cid kasta oo sii waddo falkooda xun” ayaa qoraalka Wasaaradda Amniga gudaha.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa shacabka Gobolka Gedo iyo maamulka deegaanka ugu baaqday in ay doorkooda ka qaataan nabadda, iyaga oo taageeraya dowladda.

Hadalka Dowladda Federaalka ayaa ku soo aadaya xilli Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan gobolka Gedo, iyagoo culeys saaraya magaalada Beledxaawo.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Mustaqbal

 

 

 

 

 

 

 

 

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago