Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, Sir Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay go’aan looga mamnuucaya carruurta ka yar 16 sanno in ay isticmaalaan Baraha Bulshada isaga oo faahfaahiyay sababta ka dambaysa go’aankaas.
Waxa uu tilmaamay in aysan Carruurtu wax faa’iido ah ku qabin isticmaalka Baraha Bulshada isla markaana saamayn taban ku tahay Mustaqbalkooda, waxa uu difaacay go’aankaan mamnuuciddda ah ee Xukuumaddiisu qaadatay.
“Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, waxaan si rasmi u baddeli doonnaa mustaqbalka caruurteyna, maanta waxa aan ku dhawaaqayaa in dowladda ay ka mamnuucday carruurta ka yar 16 sanno in ay isticmaalaan Baraha Bulshada” Ayuu yiri RW UK, Sir Keir Starmer
Waa uu sii hadlay waxaana uu sheegay in go’aankooda uu yahay doorashada ugu habboon ee carruurta garaadkooda lagu kobcinayo maadaama dhinac weliba ay ka eegeen arrintaan kahor inta aysan Xukuumaddiisu qaadaan qaraarkaan.
“Baraha Bulshada marnaba uma wanaagsana in ay isticmaalaan carruurta da’da yar, maxaa yeelay dowladda waxa ay leedahay doorasho ay ku mamnuucayso arrintaan, waana go’aan saxan oo carruurta loogu diidayo baraha bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Sir Keir Starmer
Tallaabada Ingiriiska uu qaaday waxaa ugu horreeyay dhowr dal kuwaas oo qaarkood ay deris yihiin, sababta ay tallaabadaas u qaadeen ayay ku difaaceen in Baraha Bulshada ay caqabad ku yihiin waqtiga Ardayda iyo Waxbarashadiisa dhinaca Garaadka.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…