Tuugo ku hubeysan Tooreey iyo Bistoolada oo Dadweynaha ku boobaya Suuqyada Muqdisho

Rag u badan Dhallinyaro oo Wata ama saaran Mootooyinka labada Luguud leh ayaa wareegaya suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho, waxa ay u wada socdaan laba laba, waxa ay inta badan sitaan hubka fudud sida Bistoolad iyo Tooreey.

Midkood Mootada ayuu kaxeynayaa, waxa uu u dhoweynayaa qofka ay rabaan in ay qalab ama lacag ka qaataan kan kalana waa hubeysan yahay oo qofka ayuu weerarayaa si ay uga qaadaan wixii hanta ah ee qofku haysto.

Tuugadaasi waxa ay dadweynaha dhacayaan iyaga oo aan wax cabsi iyo welwel ah ka qabin in la dabagalo ama islamarkaasba la qabto, inta bada waxa ay dhaca ka geystaan meelaha mashquulka ah waxa ayna weeraraan dadka aan iska jirin ama ku mashquulsan wax kale.

Waxyaabaha ay qaadanayaan waxa kamid ah taleefanada Smartiga ah ee qaaliga ah, lacagta, dahabka dumarku xiran yihiin iyo wixii kale ee alaab ah, astaamaha ugu horreeya ee lagu garan karo waxa kamid ah dhar badan oo waaweyn ayay sitaan, waxaana ayna Mootooyinka u saaran yihiin laba laba qof.

Degmooyinka ay dhibaatooyinkaana kadhacayaan waxa kamid ah ugu badan Hodon, Howlwadaag, Yaaqshiid iyo Xamarweyne, dhallinyarada dadka kkudhacda mootadan Fekon ama laba lugaaleyda iyo kuw kaxeeya ee kushaqeysta ayaan lakala garan Karin sidaas awgeed waxa ay dhowaan Saldhigayada qaarkood sheegeen in ay joojiyeen adeegsiga Mootadaas balse taasi waxba kama beddelin dhibtadaas.

Sidee uga feejignaan kartaa?

Marka aad lugeyneyso taxadar oo aad isu aruuri, qalabka aad sidato haku qaadin gacanta ama meel looga jeedi karo, geli jeebabka haddii ay suuragal tahay sababtuna waa in tuugada wax dhaceysaa ay agtaada marayaan ayna raadinayaan qof gacanta kusida alaab qaali ah Mobayl oo kale sidaas awgeed inta aadan kabixin guriga ama goobaha kale ee shaqada hub in dhammaan qalabka aad sidataa uu kuugu jiro meel xafidan.

Dad hareerahaaga jooga ayay tuugadu kamid tahay, dadweynaha caadiga ahna waxba kama qaban karaan sidaas daraadeed mar walba ku tasho in tuugadu isha la soo raacayaan waxyaabaha aad gacanta ku sitado.

Xilliyada Tuugadu wadaan falalka dhaca iyo Boobka dadweynaha

Subaxa hore laga billaabo 8:00am-12:00am, gelinka dambi laga billaabo 6:00-9:00pm, xilliyadaas si gaar ah uga feejignow tuugadan oo kusocoto Mootada Fekon, Bajaaj mararka qaarna lugeynaya, inta badan waxa ay u socdaan lababa qof oo is caawinayaa si ay wax u dhacaan.

Mustaqbal

General Editor

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

2 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

6 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

7 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

8 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

8 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

10 hours ago