Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhigiisa Mexico, Claudia Sheinbaum, ay diiday dalab uu u soo jeediyay oo ahaa in ciidamo Mareykan ah loo diro Mexico si loola dagaallamo kooxaha daroogada.
Trump ayaa sheegay ay doonayaaan wax ka qabashada dambiyada daroogada ee Mexico, isaga oo tilmaamay in uu aad ugu farxi lahaa haddii Mexico ay aqbali lahayd caawinta.
“Haddii Mexico ay rabto caawinta la dagaalanka Maandooriyaha, waxaa nagu sharfi lahayd inaan galno oo aan howlgal sameyno. Waxaan taas u sheegay madaxweyne Sheinbaum.” ayuu yiri Trump
Waxa uu intaas ku daray in Kooxaha daroogada ay halis weyn ku yihiin Mareykanka, isaga oo tilmaamay in ay isku dayayaan inay burburiyaan dalkaasi.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ay Sabtidii sheegtay in madaxbannaanida dalkoodu aysan iib ahayn, taas oo ay kaga jawaabaysay hadallo hore oo kasoo yeeray Trump.
Sheinbaum waxay si cad u muujisay in Mexico aysan diyaar u ahayn in ciidamo shisheeye ay gudaha u galaan, xitaa haddii ay tahay si loola dagaallamo dambiyada abaabulan.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…