Dowladda Iran ayaa billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku xallinayso xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa waddamada Pakistan iyo Hindiya, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Arakchi, ayaa maanta gaaray caasimadda Pakistan ee Islamabad, halkaas oo uu ka bilaabay wadahadallo rasmi ah oo uu la leeyahay madaxda sare ee dalkaasi.
Arakchi ayaa kulammo la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.
Wasiir Arakchi ayaa la filayaa in uu booqasho rasmi ah ku tago caasimadda Hindiya ee New Delhi kadib markii uu soo gabagabeeyo wadahadallada uu la leeyahay madaxda Pakistan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.
Iran ayaa xiriir ganacsi oo xooggan la leh dowladda Hindiya, iyadoo ka hirgelisay deked ganacsi oo istiraatiiji ah oo ku taalla meel ka baxsan dhulka Iran, taas oo muhiim u ah dhaqaalaha labada dal. Dhanka kale, Tehran ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan la leh Islamabad, taasoo ka dhigayso inay door ka ciyaarto dadaallada lagu dejinayo xiisadda u dhexeysa labada quwadood ee nukliyeerka haysta.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo weli la dareemayo saameynta ka dhalatay khilaafka gobolka Kashmir, kaas oo ay labada dal ku muransan yihiin, islamarkaana ay horay ugu dagaalameen.
Diblomaasiyiinta reer Iran ayaa rumeysan in doorkooda dhexdhexaadinta uu fursad u yahay in laga hortago isku dhac milatari oo khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…