Xilli maanta lagu waday inuu Muqdisho ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran ayaa weli waxaa magaalada Muqdisho soo gaarin Madaxda Maamul-gobeleedyada, marka laga reebo Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye.
Madaxda Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur-galbeed, ayaa wata howlahooda maalinlaaha ah xilli la filayay in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan Shirka Golaha wadashiga qaranka.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku jira safar uu ku joogo degmada Guriceel halkaas oo uu ka dhagax-dhigay dib u dhiska Wadada Laamiga ah ee isku xira Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle isaguna maanta furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, halka Madaxwaynaha Koofur Galbeed uu tagey furiimaha hore ee dagaalka, isaga oo tilmaamay in ay howlgallada ka dhanka ah AS xoojin doonaan.
Dhanka kale, Madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland, oo hore loo filayay in aysan ka soo qayb gali doonin shirka golaha wada tashiga qaranka ayaan wali wax war ah ka soo bixin.
Qaar ka mid ah madaxda maamuladda ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay ka caga jiidayaan in ay ka soo qeyb galaan Shirka Golaha Wadashiga Qaran.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…