Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria kulan kula qaatay dhigiisa dalka Algeria Ibrahim Boughali oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaanada Carabta.
Ugu horeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka Algeria Ibrahim Boughali ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay caasimadda wadanka Algeria iyo ka qeyb galka Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta, waxa uuna sidoo kale soo dhoweeyay wada shaqeynta saadxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeysa baarlamaanadda Algeria iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo habab lagu wanaajin karo wada shaqeynta baarlamaanadda labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay kaalin weyn oo firfircoon ku leedahay xasiloonida iyo horumarka wadamada carabta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn dowladda iyo shacabka Algeria uga mahadceliyay martigelinta shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta iyo soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Algeria gaar ahaan labada Baarlamaan, waxa uu sidoo kale amaanay doorka dowladda Algeria ee arrimaha Carabta.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xoojinta xiriirka labada dowladooda gaar ahaan baarlamaanadda Soomaaliya iyo Algeria ay muhiim u tahay isdhaafsiga qibradda iyo waayo aragnimada labada baarlamaan.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…