Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa diiday dacwad ay Dowladda Suudaan ka gudbisay Imaaraadka Carabta, taasoo ku eedeysay inuu gacan ka geystay dambiyo la xiriira xasuuq ka dhacay gudaha Suudaan.
Dacwadda Suudaan ayaa soo bandhigeysay in Imaaraadka uu taageero buuxda siiyay ciidamada garabka ah ee RSF, kuwaas oo ku lug lahaa dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socda, kuna ku dhinteen tobannaan kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.
Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay eedeymahaasi, isagoo ku tilmaamay dacwadda mid siyaasadaysan.
Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in dacwadda aysan socon karin maadaama Imaaraadka uu ka baxay qodobka 9aad ee Heshiiska Ka-hortagga Xasuuqa (Genocide Convention), qodobkaas oo dhigaya in dowladuhu is dacweyn karaan marka ay jiraan eedeymo la xiriira xasuuq.
Mustaqbal
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…
Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…