Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa u istaagay dhexdhexaadinta Dalalka Masar iyo Itoobiya oo murankooda sii xooggaystay wixii ka danbeeyay biyo xireenka ay Xukuumadda Addis Ababa ay ka dhistay Biyaha Nile oo ay wadaagaan labadaan Dal.
Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu qoraal u kala diray Xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Cabdifitaax Al-Sisi & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed si dib loogu soo celiyo wadahadalladii hore.
“Madaxweyne Donald Trump waxa uu Warqad dhexdhexaadin ah u diray Masar iyo Itoobiya, waxa uu diyaar u yahay in si nabad ah ay u wadaagaan Biyaha Nile, xal u helista arrintaas waa mid muhiim ah” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka.
Intaas kaddib, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa si cad u sheegay in ay ka go’an tahay dhexdhexaadintaan balse ma shaacin waqtiga dhabta ah ee howshaan billaabanayso, halka lagu hadlayo iyo jawaabaha uu kala kulmay madaxda labadaan Waddan.
Itoobiya ayaa horay ugu gacan seertay dhexdhexaadinta Maraykanka, waxa ay ku doodday in aanay Xukuumadda Washington dhexdhexaad ka ahayn dedaallada ay waddo isla markaana ay u janjeerto dhinaca Qaahira.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…