Trump: ” In aad lacag ka qaaddo Sucuudiga waxaa ay ka fududdahay inaad lacag Kiro uruursato”

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Boqorka Sucuudiga ee Salmaan.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in lacag ka qaadidda Sucuudiga ay ka fududdahay in aad lacag kiro ah ka ururiso Guryaha kuu kireysan.

Waxaa uu sheegay in uu Taleefan kula hadlay Boqorka una sheegay in Mareykanka uu qarash badan kaga boxo ilaalintooda iyagana aysan bixin wax lacag ah,taas oo uusan aqbaleyn Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in halkii mar ee uu wacay Boqorka Sucuudiga uu ka helay $500,000 Milyan oo doollar,taas oo uu ku sheegay in ay tahay dhiirranaan cusub oo uu isaga ula tagay Sucuudiga.

Mr Trump olole doorasho ka waday Green Bay, iyo Wisconsin, lana hadlayay Taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriga ah ayaa sheegay in Sucuudiga ay iibsadaan Badeecadaha Mareykanka kana soo gasho Mareykanka lacag dhan $450Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku faanay in 25kii Sano ee la soo dhaafay Madaxweyne Mareykanka ah uusan hadalkaas ku dhihin Boqorrada Sucuudiga,waxaana uu intaas raaciyay in Mareykanka uusan ahayn kii shalay.

Web master

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago