Taliya Cusub ee qeybta 21aad oo lagu soo dhaweeyey Cadaado.

Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Yussuf Maxamed Cabdulqaadir “Kaanti” ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Taliyaha Cusub qeybta 21 S/guuto Yusuf Maxamed Cabdulqaadir oo uu lasocdo Taliyihii hore ee Qeybta 21 aad Gen Cabdullahi Aadan Xuseen “Cirro” ayaa ka dagey goroonka diyaaradaha Cadaado waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiisha qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha oo Cadaado ka dagey
soo dhaweynta taliyaha

Taliyaha cusub ee qeybta 21 aad S/guuto Yuusuf Maxamed ayaa Salaan ka qaatay Ciidanka Xoogga dalka,intaasi ka dib ayaa taliyaha loo Galbiyey dhismaha Taliska qeybta oo kuyaal dagmada Cadaado halkaas oo ay si kumeelgaara ugu shaqeeyaan.

Gen Carro Taliyihii hore qeybta ayaa u sharaxay taliyaha Cusub qaabka ay u shaqeeyaan Guutooyinka iyo Ururada ka tirsan 21 ee ka howlgala Bartamaha Soomaaliya ,waxa uuna sheegey in maalmaha soo socda ay dhaceyso Xaflada xil wareejinta.

S/guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir oo ah taliyaha Cusub ee qeybta 21 aad ayaa dhawaan taliyaha C.X.D.S. u magacaabay taliska qeybta.

Mustaqbal media

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

2 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

2 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

4 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

15 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

17 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

21 hours ago