Last News

Taliska Ciidanka Xoogga oo daahfuray xarruun laga hago howlgallada ka dhanka ah AS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si rasmi ah u furay xarunta cusub ee Taliska Guutada 6-aad ee hoos timaada Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka, taas oo laga dhisay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xarruuntaan ayaa qorshaha yahay in laga hago howlgalka Ciidamada Xoogga ay ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose, kaasi ee ka dhanka ah AS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhismahan cusub qeyb ka yahay dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha talisyada ciidamada, isagoo tilmaamay in ciidanku sii wadi doono dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

“Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu ka go’an yahay in la sii xoojiyo amniga, la dhiso xarumo talis oo casri ah, laguna ilaaliyo guulihii la gaaray ee la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida degmada Awdheeglo iyo deegaanno kale.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago