Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ciidamo katirsan Guutada 14-ka Oktoober u diray deegaanada Dhanaane iyo Jilib marka.
Deegaanadaas waxaa dhowaan ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka qayb qaadanayay Ciidamada AMISOM.
Ciidamada loo diray Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaan Xeebeebka isku xira Muqdisho iyo Marka.
Saraakiisha Miliatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada la diray ay qaateen tababarka Difaaca Dagaalka, iyaga oo Muddo ku qaatay Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho.
Bishii 8-aad ee sanadkaan Magaalada Marka iyo deegaanno hoos taga waxaa Al-Shabaab ka qabsaday Ciidamada Guutada 14ka Oktoobar.
14-kii Oktoober oo Bilo kadib ah Kolkii Ciidamada Marka qabsadeen waxaa Magaalada tagay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo saraakiisha kala hadlay Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa Mustaqbal u sheegay maalmo kahor in Ciidamada Dowladda ay bilaabeen howlgal la isugu furayo Wadada Xeebta ah ee isku xirma Muqdisho iyo Marka.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…