Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay in ay wadahadal kula jirto koox hubeysan oo 20kii Bishan Haweeney u dhalatay dalkaas ka afduubatay Dalka Kenya.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in uu socdo wadahadal u dhaxeeya koox gaareysa shan Nin oo aad u hubeysan kuwaas oo afdubtay Silvia Romano.
Kooxda ayaa afduubkan ka geystay degaanka Chakama ee ka tirsan Gobolka Kilifi,waxaa ay dhaawaceen 5 Qof oo uu ka mid yahay wiil yar oo 10 jir ah.
Booliska Kenya ayaa sheegay in ay hayaan raadka Ragga wax afduubtay oo ay isku dayayaan in ay Gabadha ka soo furtaan,laakiin dowladda Talyaaniga ayaa iyana sheegtay in ay dooneyso Salvia oo aan waxba gaarin in ay xorriyaddeeda dib u hesho.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Gabadha Talyaaniga ee Waxbarashada ka wadday degaankaas ay afduubteen xubno ka tirsan Al-shabab.
Waxaa ay Ciidamada kala duwan ee Kenya ku daabushay Keynta Booni,halkaas oo ay Dowladda Kenya tuhmeyso in ay Al-shabaab ku hayaan Haweeneyda lagu magacaabo Salvia Romono.
Dowladda Talyaaniga ma sheegin halka uu marayo wadahadalka,haddii ay madaxfurasho weydiisteen qolada wax afduubtay iyo in uu guuleystay.
Al-shabaab oo lagu eedeeyay afduubkaas wali kama hadlin,waxaana kaliya ku eedeysay Dowladda Kenya.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…