Taariikh nololeedka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho)

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi oo loogu yeero “Indhoqarsho” Waxa uu ku Dhashay, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sanadkii 1948 waxbarashadiisi Dugsiga Hoose waxuu ku soo qaatay (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buuloburde, Dugsiga Dhexe waxuu ku soo qaatay ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray”Shabeelle Intermediate School” ee magaaladda Jowhar, Dugsiga Sare wuxuu ku soo qaatay Banaadir Sare ee magaalada Muqdisho, waxuu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay Maraykanka “University of Massachusetts Boston”.

Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Sofiyet hadana ah Yukrayn, Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA).

General Daahir Aadan Cilmi Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-aad, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.

Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Abaanduulihii Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. General Daahir Aadan Cilmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggaamin, Maamul Hufan iyo Geesinimo.Waxuu sidoo kale qaatay billad dahabka ciidanka xooga dalka soomaaliya oo uu gudoonsiiyey General Maxamed Siyaad Barre waxuuna ku muteeystay wacdarihii u ka dhigay dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali galbeed ahaana guutadii qabatay qabri daharre waxay ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Soomaaliya.

Sanadkii 2012 ayaa loo magcaabay taliyaha Guud Ee Ciidanka Xooga Dalka Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe)

Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa Mudadii dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku yimid dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu Taliyaha ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka.

Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxa uu xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed uu wareejiyay Bishii September Sanadkii 2015ka waxa uuna muujiyay inta uu hayay Hooggaanka Talada Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed wax qabad muuqda waxa uuna ku Guuleeystay inuu furo Warbaahin ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida iyo Tayada iyo tababarada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

16/08/2018 waxaa dib loogu magcaabay mar labaad Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

W/D:Cumar Maxamed Kulmiye

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago