Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Suuriya ayaa sheegtay in labo kamid ah Ciidankaas lagu dilay Gobolka Dircaa iyada oo aan la aqoonsan kooxdaas dilka gaysatay sida lagu sheegay war goordhaw kasoo baxay.
Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in lagu raad joogo kooxdaas iyada oo aanay jirin faahfaahin intaas ka baxsan oo ay kasoo saartay baaritaannada ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka. Maamulka Gobolka Dircaa ayaa ku goodiyay in uu qaadayo tallaab jawaab u ah ficilkaas.
Waxaa jira tuhun muujinaya in kooxda dilka gaysatay ay u baxsatay dhinaca Dalka Urdun inkasta oo aanay jirin eedeymo dhammaystiran oo dhinaca Suuriya kasoo yeeray oo dhinacaas kale loo jeediyay.
Goobta uu weerarka ka dhacay oo ah miyi waxaan suuragalin in si degdeg ah looga daba tago kooxaha weerarkaas ku dilay labada Askari ee baxsaday, kuwaas oo aqoon u leh deegaanka marka la eego qaabka ay u baxsadeen.
Mustaqbal
Militariga awoodda ku qabsaday Dalka Guinea-Bissau 26kii November sannadkii 2025 ayaa dib u dhigay waqtiga…
Maamulka Puntland ayaa ciidamo Booliis ah dhigay waddooyinka Magaalada Garoowe si ay uga hortagaan dibadbaxyo…
Warbixinno wadajir ah oo kasoo baxay Hay'adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale waxa ay Isutagga Imaaraarka Carabta uga digtay faragelinta uu dalka…
Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerar ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen xarunta…
Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Mouktar Osman Karie,…