Warbixinno wadajir ah oo kasoo baxay Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee lagu kala magacaabi WFP iyo FAO ayaa lagu sheegay in ay jirto Xaalad cunno la’aan oo aan xad lahayn.
WFP & FAO ayaa sheegay in dalal badan oo Caalamka ah ay rabshado aan dhammaad lahayn ay jiraan waxaana ay ku baaqeen xasilooni degdeg ah oo la abuuro halkii la naasnuujin lahaa colaadaha sida lagu xusay Warbixinnadaan.
“Colaadaha iyo Rabshadaha hubaysan waa kuwo dhibaatooyin nafeed gelinaya Dunida inteeda kale, waxaa go’ay gargaarkii iyada oo dalalkii taageeri jiray qaarkood ay colaaduhu saameeyeen” Sidaasi waxaa lagu yiri Warka kasoo baxay Hay’adaha WFP & FAO.
Dalalka lagu xusay Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin Soomaaliya, Suudaan, Koofurta Suudaan, Yemen iyo kuwo kale oo wajahaya Rabshado Siyaasadeed oo dhaafay Xadkooda taasi oo sababtay cunno yari iyo welwel bulsho oo is dhinac socda sida hadalka loo dhigay.
Mustaqbal
Militariga awoodda ku qabsaday Dalka Guinea-Bissau 26kii November sannadkii 2025 ayaa dib u dhigay waqtiga…
Maamulka Puntland ayaa ciidamo Booliis ah dhigay waddooyinka Magaalada Garoowe si ay uga hortagaan dibadbaxyo…
Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Suuriya ayaa sheegtay in labo kamid ah Ciidankaas lagu dilay Gobolka Dircaa…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale waxa ay Isutagga Imaaraarka Carabta uga digtay faragelinta uu dalka…
Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerar ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen xarunta…
Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Mouktar Osman Karie,…