Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerar ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen xarunta dhaqaalaha ee King Abdullah Financial District, oo ku taalla magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudi Carabiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa bayaan ay Arbacadii soo saartay ku sheegtay inay si xooggan u cambaareyneyso weerarka dhacay Talaadadii, kaas oo lala beegsaday xarunta dhaqaalaha ee Riyadh.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii ay Xuutiyiintu Talaadadii ku qaadeen xarunta King Abdullah Financial District ee magaalada Riyadh, caasimadda Sacuudi Carabiya, waxaana dhaawacyada soo gaaray dadka ku waxyeelloobay u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Turkiga ayaa sidoo kale muujiyay garab istaaggiisa Sacuudi Carabiya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee ka jira gobolka Bariga Dhexe.
Mustaqbal
Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Mouktar Osman Karie,…
Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ballaarinayo soo saarida Hubka Nukliyeerka..…
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tacsiyeeyay dhimasho iyo dhaawac ka…
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulamadiisa ku soo kordhiyay adeegga Luuqadda Suuldhabaaleynta, si…
Hannaanka loo suga amniga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbadal lagu sameeyay, iyada oo…
Dowladda Suudaan ayaa diiday gogosha uu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu sheegay in uu…