Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay murugada la qeyb saneyso Dowladda iyo Shacabka Uganda oo askar u dhashay diyaarad nuuca qumaatiga u kacda kula burburtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Diyaarada shilka gashay ay la socdeen ciidamo ka tirsan Militeriga Uganda oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM.
“Geerida ciidamadaasi waxay markhaati u tahay geesinimada iyo ka go’naanta Dowladda Uganda ee garab istaagga safarka horumarineed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay halganka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada dhintay ee ka tirsan AUSSOM, waxayna sheegtay inay si buuxda ula garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Uganda xilligan adag.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…