Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin ciidamada Uganda, kuwaasoo ka tirsan hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ay si degdeg ah ugu dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradda oo ka timid saldhigga milateri ee Baledogle ayaa ku sii jeeday garoonka Muqdisho, hase yeeshee waxay ku dhacday xilli ay kusoo dhowaatay in ay degto.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AUSSOM, saddex ka mid ah siddeedii qof ee saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay waxaana loola cararay isbitaalka heerka labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loo siiyo daryeel caafimaad.
Howlgallo badbaadin ayaa weli socda si loo helo inta kale ee rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.
Hay’adaha duulista hawada ayaa bilaabay baaritaanno si loo ogaado sababta keentay shilka diyaaradeed.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…