default
Markabkii Oruc Reis ee dhawaan Sahminta Shidaalka ka sameeyay gudaha Soomaaliya ayaa gaarey dalka Turkiga, halkaasi oo uu ku soo bandhigi doono xogaha uu aruuriyay.
Markabka iyo shaqaalaha saarna ayaa nabad tagey dalkooda, markii ay dhammeeyeen howlihii ay ka hayeen gudaha dalkeena Soomaaliya, sida ay qorayaan Warbaahinta Caalamiga.
15 ka bishii ina dhaaftay ee juun ayaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya markabka ka sagootiyeen xeebaha magaalada Moqdisho.
Markabkan ayaa sahamin ka sameeyay saddex goobood oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, iyadoo masaafo ahaan lagu qiyaasay 4 kun oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Hawlgalka Sahankan ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga soo saarista shidaalka.
Waxaa la filayaa in bilaabato falanqaynta iyo fasiraadda xogta uu soo ururiyay Markabku intii uu sahanka ka waday xeebaha Soomaaliya.
Muddo bil ilaa laba bilood gudahood ah ayaa la filayaa in lagu shaaciyo natiijada rasmiga ah ee sahanka, iyadoo si weyn loogu rajo weyn yahay in goobahaas ay ku jiraan kayd shidaal oo fara badan.
Dadka Soomaaliyeed ayaa sugaya in ay arkaan Shidaalka dalka oo la soo saaray, si loo helo shaqo abuur, loogana faa’iideysto kheyraadka dalka.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…