GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta mar kale dhageysanaya tabashada Madasha Mucaaradka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa mar kale inuu maanta la kulmo xubnaha Mucaaradka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed.

Kulanka oo la cillaamiyay 25 bishii June ayaa ka dambeeyay shir uu Madaxweynaha la yeeshay Madasha Mucaaradka ee ka kooban Madaxweynihii hore, Ra’iisul wasaarayaashii hore iyo Madax kale.

Shirka maanta ayaa la filayaa in looga hadlo khilaafka u dhaxeeya dhinacyada ee la xiriira Dhammeystirka Dastuurka iyo Arrimaha Doorashooyinka oo ah qoddob isha lagu wada hayo.

Lama oga wax yaabaha ka soo bixi kara shirkaan, iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha Mucaaradka Dowladda.

Kulanka wuxuu ku soo aadaya xilli maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin nidaamka wax ka badalka Dastuurka dalka iyo jiheynta Doorashooyinka.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago