Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimid kabkii lacageed ee Miisaaniyadda dowladda oo Turkiga uu ka bixin jiray.
Wasiirka ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka ay ka heshay dhaqaalihii kabka Miisaaniyadda inta badan xubnaha beesha caalamka, sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Wuxuu si gaar ah u xusay dowladda Turkiga, oo ka mid ah dalalka ugu dhow ee Soomaaliya, in sannadkan aysan weli bixin lacagihii kabka ahaa ee ay caadiyan ku taageeri jireen Miisaaniyadda dowladda.
“Kabka sanadkan ee ay bixin jirtay dowladda Turkiga, oo gaarayay 30 milyan oo doollar, ayaa gaabis ku yimid. Sannadihii hore si joogto ah ayay u bixin jireen,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannadkan ay gaareyso in ka badan hal bilyan oo doollar, isla markaana ay hortaallo Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…