GUDAHA/wararka

Diyaaradaha Maraykanka oo duqayn ka dhan ah ‘AS’ ka gaystay Gobolka Jubada Hoose

Diyaaradaha duulliye la’aanta ee Maraykanka (Drones) ayaa duqaymo ka dhan ah ‘AS’ ka fuliyay Duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose oo dhanka kale ah xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Duqayntaan waxaa xigay howlgal dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamo isugu jiray Kumaandooska Danab ee Maraykanka uu tababaray iyo kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku dhow howlgalkaan.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan uu ahaa beegsiga xubno katirsan ‘AS’ oo halkaas ku sugnaa sida hadalka ay u dhigeen.

Maraykanka ayaa inta badan dib ka faahfaahiya natiiijada howlgallada uu ka gaysto qaybo kamid ah Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya, Taliska AFRICOM ayaa dhowaan shaaciyay in uu kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

10 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

11 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

12 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

12 hours ago