GUDAHA/wararka

Soomaaliya ma isku heyn kartaa xiriirka Itoobiya iyo Masar oo uu ka dhaxeeyo khilaaf la xiriira Biyo-xireenka Nile?

Xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay in la dhammeystiray Biyo xireenka ay ka dhalinayaan Korontada ayaa waxaa tillaabadaasi walaac ka muujiyay dalalka dariska la ah ee Masar iyo Suudaan.

Biyo xireenkan oo ku yaalla Webiga Nile ayaa la billaabay  sannadkii 2011,  iyada oo ay ku baxday in ka badan 4 bilyan oo Dollar, wuxuuna noqon doona mashruuca koronto-dhalinta ee ugu weyn ee Afrika.

Dalalka Masar iyo Suudaan oo horeba diidana biyo-xreenka ayaa haddana muujinaya khataraha ay la kulmi karaan. Masar oo wax ka badan 90 boqolkiiba dadkeeda ku tiirsan yihiin biyaha Nile ayaa sheegtay in aysan ogolaaneyn wax kasta oo ka hor imaanaya danaha dadkeeda.

Madaxda Masar iyo Suudaan oo kulmay ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo hal dhinac qaado sababi karto khatar iyo colaad hor leh.

Khilaafka Biyo xireenka ee u dhaxeeya Masar, Itoobiyo iyo Suudaan ayaa saameyn kara dalalka gobolka oo ay ugu horreyso Soomaaliya.

Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa tilmaamaya in Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaadato go’aanno adag, iyada oo isku miisaameyso xiriirka ay la leedahay labada dal ee Itoobiya iyo Masar.

Marka la eego labada dal, Itoobiya ayaa Soomaaliya la leh xuduudka ugu dheer, iyada oo saameyn toos iyo mid dadban ku leh gudaha dalka gaar ahaan dhinaca Amniga, waxaana dalka ku sugan ciidamo hoos yimaada howlgalka AUSSOM.

Dhinaca Masar, waa dal carbeed iyo saaxiib taariikhi ah, iyaga oo Soomaaliya ka caawiya dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tagey dalka Masar, isaga oo dhigiisa dalkaasi, Cabdifitaax Alsiisi kala hadli doona xaaladda gobolka iyo Ciidanka Masaarida ee la filayo in ay yimaadan gudaha Soomaaliya. Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis dhinaca difaaca ah oo dhigaya in ay dalka yimaadan 10 kun oo ciidan Masaari ah, kaasi oo la saxiixay bishii Agoosto ee sannadkii 2024.

Itoobiya ayaa si adag u diidan ciidamada Masaarida ee imaanaya dalka, sida uu sheegay Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Marshal Berhanu Jula, dhaqdhaqaaqyadaasi ku tilmaamay kuwo khatar ku ah Amnigooda.

Xiisadda soo cusboonaatay ee Biyo-xireenka Nile ayaa markale sababi karta in Somaaliya khilaaf siyaasdeed dhexda ka gasho, haddii aysan ka fiirsan tillaabooyinka la qaadayo.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago