GUDAHA/wararka

Soomaalida u safarta Masar oo dhibaato ku qabta Garoonka diyaaradaha Qaahira

Soomaalida u safarta Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa dhibaato kala kulanta Garoonka Diyaaradaha ee Qaahira, waxa ay cabasho u gudbiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas si wax looga qabto.

Dadkaan oo Masar u taga arrimo kala duwan sida; Caafimaad, Waxbarasho, Dalxiisa, iyo Deegaan ayaa caqabad horleh ku noqotay dad badan oo sanadihii lasoo dhaafay dalkaas u safrayay.

Dadka dhibaatooyinka la kulmay kana cabanaya waxaa kamid ah Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulqaadir Cartan oo qoraal uu arrintaan uga hadlay soo dhigay bartiisa Facebook isaga oo ku baaqay in Dowladdu soo farageliyo.

“Masar dadka Soomaaliyeed ee Caafimaadka, deeganka iyo xita transit ka ku maraya dalkeeda Bahdilka iyo Ciqaabta ay Garoonkooda ku marsiiyaan wax loo dulqaadan karo ma ahan,” sida uu yiri Garsoore Cartan.

Sidoo kale Garsooraha ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in wax laga qabto dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo yiir Dowlad haddaa leenahay waxaan ka codsanaya xannuunka shacabka Soomaaliyeed ay dadkan xaasidka ah ay marsiinayaan in ay kala hadlaan.”

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa horay u kala saxiixday heshiis la xiriira in Baasaboorka Diblumaasiga ah qofka haysta si bilaash ah uu ku helayo fiisaha, balse weli kama wada hadlin sida socdaalkooda loogu fududeen lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heysta Baasaboorka caadiga ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

3 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

3 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

4 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

4 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

5 hours ago

Madaxweynaha Suuriya “Kama tanaasuli doonno Dhulka ay Israa’iil naga haysato tan & 1973”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…

6 hours ago