Ciidamo katirsan kuwa Difaaca Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay inta u dhaxeya Magaalada Jowhar xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Buuraane.
Ciidankaan ayaa howlgalkaan inta ay wadeen waxa ay baaritaanno ku sameeyeen hareeraha laamiga si ay usoo saaraan haddii la geliyay walxaha qarxa oo marar badan dhibaatooyin u gaystay Dad u badan rayid oo halkaas isaga kala gudbayay.
Askarta Burundi ee ku howlgalla AUSSOM ayaa saldhigga ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay si joogta ah ciidankooda uga dhaqaaqaan deegaannada u dhow si ay ula socdaan xasiloonida ka jirta.
Sarkaal katirsan ciidamada Howlgalka sameeyay ayaa sheegay in ay la kulmeen Dadka deegaanka si ay wax uga weydiiyaan haddii ay arkeen waxyaabo dheeraad ah nabadgalyada deegaannadooda si ay uga hortagaan sida hadalka loo dhigay.
Ciidanka Burundi ayaa deegaanno kooban ka jooga Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxa uu qorshuhu yahay in ay dhowaan dalka isaga baxaan kuna wareejiyaan booskooda Ciidamada ka imaanaya Dalka Masar.
Mustaqbal
Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…
War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…
Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…
Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…