Soo dhoweyntii Daahir Maxamuud Geelle Sagootin waa u ekayd!

Aniga iyo Xasan Cali Geeseey ayaa Talaadadii shalay 9:00am waxa aan u tagnay Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo maanta xilkii wasiirnimo kategey .

Waxa aan ugu tagnay qaybta hoyga u ah oo kudhextaal wasaaradda Warfaafinta, si wanaagsan ayuu noo soo dhoweeyey, maaddaama aan u tagnay isaga oo aan weli shaqada soo gelin waxa aan wada fariisanay qolkiisa fadhiga, wax lacabo ayuu noo dalbay kaddibna howshii aan u soconay ayaan u sheegnay waana naga aqbalay, kaddibna sheeko u muuqatay sagootis oo aad u macaan ayuu noo billaabay!

Lebbis aan Rasmi ahayn ayuu xirnaa, si kalsooni badan ku dheehan tahay ayuu wax badan oo kusaabsan Siyaasadda iyo saxaafadda noogu sheegay, hadallada wasiirka waxa aan ka fahmay qof ahaan in uu aad uga walaacsan yahay heerka ay wax marayaan iyo sida uu qof ahaan doonayo in xukuumaddu u shaqeyso.

Koobka haddii biyo lagu shubo oo uu nus yahay kawarrama haddii qof ku yiraahdo:-Nus ayuu soo dhaafi waayey! Qof kalana ku yiraahdo Nus ayuu soo gaaray?, Malaha waxa fiican  qofka kuyiraahda waxa uu soo gaaray Nus, Suldada ama dowladdu waxa ay jeceshahay qofka yiraahda dowladduu howshii laga rabay Nus ayay qabatay  balse ma jecla qofka yiraahda howshii laga rabay waxa ay soo dhaafi weysay Nus“.

Su’aashaas ayuu ninba mar weydiiyey Xasan iyo Aniga, balse waxa naga yaabiyey sida uu u bayaamiyey mashaakilka iyo waxa taagan iyo sida xal kagaariddu u tahay gaabis, waxa uu nagala hadlay Wrabaahinta gaarka ah iyo waxa ay ugu fadhiso dhismaha dowladda Soomaaliyeed, waxa ay qaban karto iyo waxa warbaahinta dowladdu fulin karto balse lagayaabo in ay ku adkaadaan warbaahinta madaxa bannaan.

Miis yar oo horyiil waxaa u saarnaa Nuqulka Buugga Fire and Fury oo Af carabi ku qoran, buuggaas waxaa qoray Michael Wolff, Fire and Fury waa Dab iyo Caro, taas ayaa aad iiga yaabisay, aniga oo dhiniciisa xigay ayaan soo qabtay buuggaas oo soo baxay 2018, markii uu arkay in aan isha la raacayo ayuu wax xoogaa faahfaahin iga siiyey, kaddibna waxa uu ku laabtay faahfaahin kusaabsan Warbaahinta iyo Siyaasadda.

Waxa uu nooga sheekeeyey Warbaahinta Dadweynaha (Public Broadcast) iyo sida aanay suuragalba u ahayn in maanta dowladdu Radio Muqdisho ama Telefeshinka u rogto Warbaahin guud xilliga lagu jiro iyo xaaladda.

Wax kale oo aad iiga yaabiyey qof ahaan ayuu nooga sheekeeyey waxaa kamid ahaa habka laga rabo xisbiga ama kooxda xukunka haya in ay u dhaqmaan kaas oo ah iskuwad iyo isku hayn, waxa uu tusaale u soo qaatay Oday reer u ahaa Nabaddoon oo maalin soo istaagay in uusan nabaddoon u ahayn Jufo kamid ah Beesha sidaas awgeedna ay tahay in Jufadaasi iska tagto oo reerka kabaxdo, Qabiilkii ayaa fariistay oo iskudayey in ay Nabaddoonka qanciyaan una sheegaan in uu reerka isku hayo iskuna wado balse waa diiday, waxa uuna ku adkeystay in uusan marna Jufadaas u ahaan doonin Nabaddoon!

Odayaashii ayaa qaatay shir gaar ah waxa ayna go’aan ku gaareen in Nabaddoonka iyo Jufada uu diiddan yahay sinneyn haddii mid baxayana ay tahay in Nabaddoonku baxo maaddaama waxa xilka yimid ay isaga yihiin. Waa loo yeeray nabaddoonkii waxaana loo sheegay si wadajir ah in isaga xilka loo dhiibay iyada oo Jufada uu diiddan yahay ay beesha kamid tahay, sidaas awgeedna haddii uusan iskuwad iyo iskuhayn lahayn in isaga xilkii Nabaddoonnimo  laga qaaday  ayna tahay in uu raadsado cid uu qayb eryo qaybna nabaddoon u noqdo.

Waxa uu Daahir noogu soo xiray in Dowladdu tahay  iskuwad iyo isku hayn haddii ay taas weydana cidda tegi doonta ee fudud ay tahay iyada!

Halkaas markuu marsiinayo ayaa qof la ballansanaa u yimid, kaddibna inta istaagay oo nasoo dhoweeyey ayuu na macasalaameeyey.

Soo dhoweynta iyo hadalka Daahir Maxamuud Geelle waxa aan u fahamnay sagootin si aan u weydiinana waa garan weynay

WQ: Axmed C. Guutaale 

General Editor

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

1 hour ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

2 hours ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

3 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

9 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

9 hours ago