Somaliya oo difaacday sababtii ay Kooxda kormeerka ugu diiday keydkeeda  Hubka.

Lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali, ayaa qoraal uu ku daabacay Boggiisa Twitterka ku sheegay in uusan adduunka ka jirin in dad dibadda ka yimid ay booqdaan wixii ay doonaanna ka sameeyaan goobaha xasaasiga ah ee ay dowlad leedahay.

Hadalkan ayaa jawaab u ah warbixin ku jirtay warbixintii Guddiga dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ay shalay u gudbiyeen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Warbixintooda qeybta Hubka ee Soomaaliya quseysay waxaa ay ku sheegeen in dhowr jeer laga hor istaagay in ay qiimeyn ku sameeyaan Keydka Hubka ee Dowladda SOomaaliya ee yaalla Xerada Xalane.

Waxaa ay sheegeen in loo diiday in ay sawirro ka qaadaan, sidoo kale laga hor istaagay in ay Kaamirooyinka wax duuba la galaan.

Warbixinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in xafiiska lataliyaha Madaxweynha uu saddex jeer u oggolaaday in ay galaan Bakhaarrada keydka Hubka ee Soomaaliya laakiin uu labo jeer oo kale u diiday.

Cabdi Saciid Muuse, ayaa sheegay in marna aysan macquul ahayn iyada oo aysan Dowladda Soomaaliya ka warqabin in la galo ama la ogaado xogta amaanka ee dowladda islamarkaana qolada baaritaanka wadday aysan ogeysiis hore bixin sidaasna loogu diiday in ay galaan.

Intii u dhaxeysay February ilaa May 2018 Kooxda dabagalka waxaa ay sheegeen in Keydka Hubka ee Soomaaliya ku soo arkeen 27,000 oo Qoryaha RPG7 ah,kuwaas oo yaallay Bakhaar saqafkiisa sare la dacaytiray, sidoo kalena darbiyada Bakhaarka la xoojiyay,waxaana howshaas  dayactirka ah qabatay Hay’adda Miina Baarista ee Main Action.

Golaha amaanka ayaa iyaga oo ka duulaya warbixinta ay soo gudbiyeen Guddigaas waxaa ay shalay muddo hal sano ah ku kordhiyeen cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 mins ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

35 mins ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

18 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

21 hours ago