Somaliya: Howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda oo sheegay in uu fashiliyay labo weerar

Howlgalka Midowga Europe ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sheegay in ay fashiliyeen labo weerar oo kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah ay u geysteen doomo Kalluumeysi oo marayay Xeebaha SOomaaliya.

Weerarkaas ayaa dhacay Axaddii la soo dhaafay waxaana Kooxaha Burcad Badeedda ay isku dayeen in ay weeraraan Doomaha kala ah; Adria iyo Txori Argi, waxaana lagu weeraray meel 280NM u jirta Xeebaha Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Europe ayaa sheegay in Doomaha Kalluumeysi laftooda ay wateen ilaalo hubeysan taas oo qeyb ka qaadatay in la fashiliyo weerarka.

Doomaha ay ku weerar tageen Kooxaha Burcad Badeedda ah ayaa la xaqiijiyay in Todobaadkii hore laga qafaashay Xeebaha Soomaaliya.

Warbixin ay soo saareen howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ee Midowga Europe ayaa waxaa Doomaha iyo Maraakiibta adeegsanaya Biyaha Soomaaliya kuwa u dhow lagu faray in ay xoojiyaan ilaaladooda hubeysan si ay isu difaacaan haddii la weeraro.

Web master

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

5 mins ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

20 mins ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

16 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago