Xukuumadda somaliland ayaa maanta Xoriyadisii u celisay Cabdiraxmaan Aar oo dhawaan ciidamadda amaanka somaliland ka soo xireen suuqa hargaysa isaga oo ku labisan dhar ka samaysan calanka somaliya.
Cabdiraxmaan Aar ayaa mudo toddobaadyo ah xabsiga ku jira waxaana uu dhawr jeer ka soo muuqda maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex kuwaas oo ciidanka boolisku ay horkeneen si ay xarigiisa maxkamadda ugu xalaalayso.
Ciidanka Somaliland Cabdiraxmaan Aar u xiray dharka uu ku labisnaa oo ka samaysnaa Calanku Soomaaliya, waxaana Xukumada Hargaysa sheegtay in uu xadgudbay qaranimada Somaliland.
Somaliland ayaa lagu eedeeyaa in caburin ku hayso dadka aragtida duwan Xukumada sidoo kale xabsiyada ku jiraan dad u xiran xoriyada hadalka oo uu ugu dambeeyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland.
Cabdiraxmaan Aar ayaa guddoomiye u ahaa urur ka shaqeeya ladagaalanka qabyaaladda,waxaana ururkooda oo hadlay dhawr jeer ay shegeen inaanu dambi lahayn arinta ay ciidanku u xireena ay tahay mid sharci daro ah.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…