GUDAHA/wararka

Al-shabab oo weeraray Saldhigga Ciidanka Kenya ee Afmadow.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa saaka waabarigii weerar kula jarmaaday Saldhigga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Goobjoogayaal ku sugan Afmadow ayaa sheegay in Ciidamada Al-shabaab ay qaraxyo ku billaabeen weerarka saldhigga kaddib billaabatay rasaas toos ah.

Ciidanka Kenya ee deggan Saldhigga aya muujiyay is difaac sida ay sheegeen dadka degaanka,waxaana Goobjoogayaasha qaar ay sheegeen in Ciidamada Al-shabaab u suuragashay in ay gudaha u galaan Saldhigga Ciidamada Kenya.

Dagaalka uu muddo saacad ka badan socday ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Al-shabaab lagu qasbay in ay ka gurtaan qeybaha ay ka qabsadeen saldhigga markii ay weerar kala kulmeen Ciidamo Soomaali ah oo gurmad ugu tagay kuwa Kenya.

Al-shabaab, Maamulka Jubaland iyo dowladda Kenya midkoodna kama hadlin dagaalka saaka ka djacay Saldhigga Ciidanka Kenya ee Afmadow.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ayaa Al-shabaab ka qabsaday Degmada Afmadow sanadkii 2012kii  xilligaas oo ay Ciidanka Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya iyaga oo aan oggolaansho ka heysan Dowladda Soomaaliya.

Web master

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago