Somaliland oo sii deysay Haween Somali Canadian ah

Maamulka Somaliland ayaa sii daayay labo Haween ah oo heysta dhalashada Dalka Canada hayeeshee Soomaali ah.

Haweenkan ayaa lagu xiray Xabsiga Koodbuur ee Hargeysa markii Booliska ay weerareen Guri ay kaga sugnaayeen Hargeysa.

Waxaa lagu eedeeyay in ay Maandooriye iyo Daroogo halkaas ku adeegsanayeen waxaana lagu xukumay 40 Jaydal middiiba.

Dowladda Canada ayaa culeys ku saartay Somaliland sii deynta Haweenkaas iyada oo u soo martay Safaaraddeeda Kenya.

Bishii January ee la soo dhaafay ayaa Haweenkaas iyo mid kale oo Soomaali Ingiriis ah lagu xiray Hargeysa.

Waxaa ay haweenkan sheegeen in ay Hargeysa u tageen sidii ay u caawin lahaayeen Haweenka loogana hortagi lahaa xadgudubyada jinsiga ee ka dhanka ah Haweenka.

Maymona Abdi, oo 28 jir ah , iyo Karima Watts, oo 24 jir ah,  ayaa lagu xukumay 2 bilood iyo bar Xabsi ah iyo afartan Shaabuug, sida uu sheegay Qareenooda Mubaarik Maxamuud Cabdi oo xaqiijiyay siideyntooda.

Web master

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

2 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

2 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

4 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

15 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

17 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

21 hours ago