Somaliland oo la wareegtay Haamaha keydka Shidaalka ee Berbera

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta la wareegtay Haamaha Keydka Shidaalka ee Magaalada Berbera,halkaas oo bilihii la soo dhaafay uu ka taagnaa muran u dhaxeeyay dowladda iyo Ganacsatada.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin.,waxaa ay xukuumaddu la wareegtay Haamaha Keydka shidaalka iyada oo goobta ay kula wareegeysayna loo diiday warbaahinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumadda ay xoog kula wareegtay Haamaha Keydka Shidaalka oo bilihii la soo dhaafay ismaandhaaf ka taagnaa.

Guddoomiyaha Sharikadda BOG ee maamusha Haamaha shidaalka Berbera Cali kooshin ayaa beeniyay in ay wareejiyeen Haamaha,taas oo caddeyn u ah in uu wali jiro khilaaf u dhaxeeya labada dhinac.

Ganacsatada ayaa dalbanaya in loo celiyo lagacihii kaga baxay dayactirka Haamaha Keydka SHidaalka haddiiba ay ku wareejiyanayaan dowladda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu dhawaan soo saaray wareegto ay dowladda kula wareegeyso Haamaha keydka shidaalka.

Muranka u dhaxeeya Ganacsatada iyo Xukuumadda ayaa sababay sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka,kaas oo hadda halkii LIiter marayo $1 Doollar,waxaana cidda dhibeysaana tahay dadka Rayidka ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

17 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

22 hours ago