Somali iyo Syrian ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay degmada Hodan.

Inta la ogyahay Shan qof ayaa ku dhaawacantay qarax xoogan oo gelinkii dnabe ee maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen Dhakhaatiir ka shaqeysa Isbitaalka Muqdisho City ee ku yaala dalcada C/Qaasim, dadka dhaawacmay waa 2 Syrian ah iyo 3 Somali ah, sidaas waxaa inoo sheegay qof kamid ah dadkii qaraxa ka badbaaday.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Dhakhaatiirtan ay ka yimaadeen Garoonka Caanka ah ee lagu ciyaaro Kubbada Cagta ee JOBKEY, Kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Xarunta Isbitaalka, Qaraxa waxa uu dhacay xiliyay xubnahan ay isaga dagayeen gaarigii ay wateen.

Labada Ajaanibta ah, ayaa la soo sheegayaa in xaaladooda ay darantahay, Mid kamid ah ayaa la sheegay inuu qaraxa oo ahaa nooca Dhejiska uu ku waayay lug iyo gacan kamid ah jirkiisa.

Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano waloow aaney la soo sheegin dad ay soo qabteen.

Todobaad gudihiis waa qaraxii 3-aad ee ka dhacay degmada Hodan, hore waxa uu qaraxyo uga dhacay Maqaaxida The Village iyo nawaaxiga Isbitaalka Kalkaal, kuwaasoo geystay khasaare.

Mustaqbal media

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago