Last News

Siyaasiyiin Soomaali ah oo xiriir la leh Imaaradka Carabta oo wajahaya dacwad

Ururo Ilaaliya Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciyaqaano Caalami ah ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ICC ka codsaday inay baarto Mas’uuliyiin sare oo ay ku jiraan Soomaali xiriir la leh Imaaradka Carabta, isla markaasna ku lug leh Xasuuqii ka dhacay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Wargeyska Middle East Eye oo soo xiganaya Dakumiintiyo uu helay ayaa xaqiijiyay in ay Dacwadda ku jiran mas’uuliyiin iyo dalaaliin u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Chad, Liibiya, Kenya, iyo Uganda.

Si gaar ah dadkaan ayaa lagu eedeynayaa in ay fududeeyeen Hubka, Saadka iyo Maaliyadda ay heleen Kooxda RSF ee fuliyay Xasuuqii ka dhacay gobolka Daarfuur gaar ahaan meelo ay ka mid tahay magaalada El Fasher.

Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay dekado ku yaalla Soomaaliya sida Berbera oo la sheegay in ay awood joogitaan ku leeyihiin Imaaradka Carabta, isla markaasna laga gudbin karo gaadiidka iyo qalabka ciidan ay helaan Ururka RSF.

Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay inay yihiin cida hubeysa oo maalgalisa Kooxda RSF ee ka soo horjeeda Dowladda Suudaan, iyagoo dhowr jeer oo hore iska fogeeyay eedahaasi.

Maxkamadda ICC ayaa awood u leh in ay dhageysato dacwadda dambiyada ka dhaca gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan, iyadoo sharciga lala tiigsan karo cid kasta ku lug yeelata Xasuuqa RSF.

Ilaa hadda lama oga magacyada dadka Soomaalida ah ee ku jira Dacwaddan loo gudbiyay Maxkamadda ICC.

Dagaalka Suudaan ayaa billaawday sannadkii 2023, waxaana ku geeriyooday kumanaan ruux, halka malaayiina ay ku barakaceen.

Mustaqbal

 

 

 

MM Staff

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

7 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

7 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

9 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

12 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

13 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

13 hours ago