GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo dalka Liibiya ka soo celisay 129 ruux oo u badan dhalinyarro

129 ruux oo u badan dhalinyarro ayay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu soo celisay dalkooda, ka dib markii laga soo daayay Xabsiyada Liibiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 19 kamid ah Muwadiniinta Soomaalida ah loo diray magaalada Hargeysa oo ay hore uga tageen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo soo dhaweeyay dhalinyarradaan ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah la galiyay sidii ay uga soo bixi lahaayeen Xabsiyada dalka Liibiya.

Dhalinyarradaan ayaa intooda badan qaab tahriib ah ku tagay dalkaasi Liibiya, iyagoo doonayay in ay u sii gudbaan dhinaca qaaradda Yurub, weliba qaab Tahriib ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

6 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

6 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

8 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

11 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

12 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

12 hours ago