Sidee u shaqeeyaan safaaradaha ku soo badanaya Soomaaliya?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay waxaa uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjirayaasha Dalalka France iyo Germany.

Danjiraha cusub ee France ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa ay qeyb ka yihiin tiro badan oo safiirro ah oo ay waddamada Caalamka u soo magacaabayaan Soomaaliya.

Inta badan safiirradaas mahala safaarado ay ku shaqeeyaan,waaxana ay badankood xafiisyo kooban ku dhex leeyihiin xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ah saldhigga ugu weyn ee AMISOM,ayna degganyihiin Wakiillada Caalamka.

Saddex iyo Toban Safaaradood oo ay ka  mid tahay tii Iraan ee xirantay ayaa ka mid ah kuwa ka jira Muqdisho, waxaa kale oo jira kuwo la qorsheynayo in dhawaan laga  furo.

Danjiraha cusub ee Germanay ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dalalka ilaa hadda safaaradaha ku leh Muqdisho ee ku dhex shaqeeya Xalane ama meelo u dhow waxaa ay kala yihiin; Turkiga, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Uganda, China,Suudaan, Imaaraadka,Liibiya, Qadar, UK iyo Yemen,waxaana xirantay safaaraddii Iraan.

Kaliya Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in ay bixiso adeegyada sida fiisooyinka iyo waxyaabaha la midka ah,safaaradaha qaar ayaa dhex deggan Hoteello ku yaalla Magaalada,halka kuwo kalena ay degganyihiin dhismayaal aad amaankooda loo adkeeyay.

Kuwa qorsheysan waxaa ka mid ah; Canada, Kuwait, Mareykanka,Pakistan, Koofurta Kuuriya, iyo Masar,waxaana xisid mudan in xitaa kuwa furan aysan lahayn Qunsuliyado qabta adeegyada ay u baahanyihiin muwaaddiniinta labada dhinac.

Waxaa kale oo jira kuwo ku shaqeeya dalalka deriska ah islamarkaana isku qabta shaqada safaaradda waddanka  ee dalka ay ku taallo iyo Soomaalliya,waxaana ka mid ah; Bulgaria,  Cameroon,  Czech Republic, Georgia, Indonesia, Lesotho, Mali, Mexico,Portugal,Senegal, Argentine, Brazil, Belgium, Frnace , Germany ,Koofur Afrika, iyo kuwo kale, waxaana ay ku kala yaallaan Adis ababa iyo Nairobi.

Safaaradaha ka furan Muqdisho qofkii Soomaali ah ama xitaa qof kale ee ugu baahda baahiyaha saafaaradaha waxaa uu ku qasbanyahay in uu tago dalalka deriska ah halkaas oo ay adeegyada ka bixiyaan.

Waxaa ugu dhow fiisaha oo ay tahay in ay bixiyaan Qunsuliyadaha safaaradaha iyaguna maba jiraan,waxaana qofka uu ku qasbanyahay qunsuliyadda ugu dhow ee dalka uu fiisahiisa doonayo in uu tago.

Caqabadaha ugu badan waxaa ay heystaan dadka Qurbe joogta ah,kuwa ajaanibta ah ee ka shaqeeya Soomaaliya iyo dadka kale ee siyaasiyiinta ama Ganacsatada ah.

Waxa ugu badan ee ay dalalkaas qusuliyadahooda u furan la’yihiin waa arrinta amaanka oo ay dowladda Federaalka ah ku bixiso miisaaniyad xoog leh,haddana aan lahayn isbeddel dhinaca amaanka ah.

Maxey kula tahay in lagu xallin karo?.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

30 mins ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

1 hour ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

2 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

2 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

3 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

20 hours ago