GUDAHA/wararka

Sidee Dunida looga arkay doorashada qof iyo codka ah ee ka qabsoontay Soomaaliya?

Dunida ayaa hadal heysa doorashadii qof iyo codka aheyd ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho, taasi oo lagu dooranayay Xubnaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Warbaahinta caalamiga ah ee ku kala yaalla qaaradaha caalamka, Afrika iyo dalalka Carabta ayaa baahiyay warbixinno u badan ammaan iyo boggaadin loo jeedinayo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Telefishinka Aljaseera ayaa doorashada ku tilmaamay guul taariikhi ah, maadaama ku dhowaad lixdan sano laga joogo doorashadii ugu dambeysay oo qof iyo cod ah kana qabsoonto dalka.

Sidoo kale, Warbaahinta DW ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa doorashada ku tilmaamay mid muhiim ah oo ka turjumeysa in Mustaqbalka Soomaaliya ifayo, maadama ay shaqeynayso dimuqoraadiyadda.

Sidoo kale, TRT World iyo TRT Afrika ayaa doorashada sheegay in ay tahay muujinaysa kalsooni sii kordheysa oo ay helayaan hay’adaha dowladda.

Dhankooda, Wargeyska Nation Africa ayaa doorashada ku tilmaamay mid soo afjaraya In ka badan 50 sano oo oo dalka ku jiray Nidaam doorasho dadban oo aysan shacabka awood u laheyn coddeyn.

Sidoo kale, Business World ayaa caddeysay in doorashada Muqdisho tahay xaqa codbixinta guud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Warbaahinta Bloomberg waxay sidoo kale xustay in tillaabadani tahay mid xiiso galineysa maalgashadayaasha iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee  Soomaaliya.

Warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta Caalamiga ah ayaa muujinaya in doorashada goleyaasha deegaanka tahay guul siyaasadeed

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

17 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

20 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago