Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta coddeeyay doorashada qof iyo codka ah ee maanta ka socota degmooyinka gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa gaarey xarruunta Tiyaatarka Qaranka, isagoo kumanaan ruux kala qeyb galay coddeynta doorashada qof iyo codka ah.
Xasan Shiikh oo si kooban warbaahinta ula hadlay sheegay in Xubnaha Mucaaradka ay ku soo biiri doonaan doorashada goleyaasha deegaanka.
“Dhammaan mucaarad iyo muxaafad tani waa mustaqbalka Soomaaliya, waan hubaa mucaaradka in ay ku soo biiri doonaan doorashadaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaan dooneyna Soomaaliya oo deggan, amni ah oo siyaasadeeda jiho leedahay, mustaqbalkana yahay mid ifaya”
Nus milyan Soomaali ah ayaa ka qeyb galaya doorashada Doorashada goleyaasha deegaanka ee ka socota degmooyinka gobolka Banaadir.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…