Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ujeedka uu Madaxweyne Farmaajo u ballamiyay Shirka Dhuusamareeb (4) yahay ka fogaanta Shir weyne la isugu keeno Mucaaradka & muxaafadka balse uu ka door biday kulankaas.
“Beesha Caalamka ayaa soo jeedisay in la qabto Shir looga hadlayo arrimaha dalka, isaga oo ka fogaanayo Madaxweyne Farmaajo in fadhi guud la isugu yeero Mucaarad & muxaafid ayuu ku dhawaaqay in Dhuusamareeb markale la isugu tago, balse haddii aan laga gudbin oo aan la xalaaleen Guddiyada uu sameystay, Xiisadda Gedo & hab maamulka Guddiga Gobollada Waqooyi wax wanaagsan kalama kulmi doono Baarlamaanka, arrintuna waa jugjug oo bartaada joog” Sidaasi waxaa yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samater.
Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil ayaa rajada fadhiga Madaxweynaha uu la qaadanayo Labada Gole ee BFS 5-ta Febaraayo 2021 ku sheegay in ay ku xiran tahay in Shirka Dhuusamareeb (4) xal looga gaaro saddexda caqabad balse haddii la iska indha-tiro howshu soconeyn.
“Natiijada la kulanka Baarlamaanka waa mid ku xiran hab maamulka Shirka Dhuusamareeb iyo sida loo xakameeyo qodobada caqabadda ku noqday in la guda galo Doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiiyay” ayuu sii raaciyay Cabdi Ismaaciil Samater.
Heshiiska Doorashada ee dhacay 17-kii September 2020 waxaa haatan laga joogaa 136-Cishe, ilaa haatan ma muuqdo tallaabooyin horay loo qaaday si loo gaaro hadafka kulankaas oo ahaa in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor & xalaal ah.
Mustaqbal.
Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saanad ciidan oo uu Turkiga u soo waday Xerada…
Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…